Ciidamada Badda Shiinaha oo Dekeda Boosaaso keenay saddex Burcad badeed Soomaali

Ciidamada Badda Shiinaha oo Dekeda Boosaaso keenay saddex Burcad badeed Soomaali

daajis.com:- Ciidamada Badda Shiinaha ayaa shalay ka dejiyay Dekeda Boosaaso saddex nin oo burcad badeed ah, kuwaasoo ku wareejiyay Maamulka Puntland.

Saddexda nin burcad badeedka ayaa la qabtay bishii hore, markii ay isku dayeen inay afduubtaan Markab sitay calanka Lubnan oo marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Badda Shiinaha ayaa ku wareejiyay Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha Puntland qoryo AK47 iyo rasaas.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa soo dhoweeyay tallaabada ciidamadda Badda Shiinaha ay ku wareejiyeen burcad badeed Soomaali ah, iyadoo inta badan looga bartay dalalka ciidamadooda ka joogaan xeebaha Soomaaliya in burcad badeeda ay qabtaan la aadaan dalkooda.

Saddexda nin ee lagu wareejiyay Puntland ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed C/llaahi Maxamed C/kariin Saalax Maxamed (Aw Koombe) iyo Maxamuud Mahad Yuusuf.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in raggan la soo taago Maxkamad ku taal Puntland, si loogu qaado dambiyo lagu soo eedeeyay oo ah burcad badeednimo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada