Aqriso magacyada labadii Askari ee Al-Shabaab ku gawraceen duleedka Mahadaay

Aqriso magacyada labadii Askari ee Al-Shabaab ku gawraceen duleedka Mahadaay

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa gawraceen laba askari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 1-aad iyo guud 2-aad  ee ciidanka Xoogga, waxaana la sheegay inay ciidamadaan ka imaadeen deegaanka Biyo Cadde iyagoo kusii jeeday Degmada Mahadaay.

Ciidamadaan ayaa saarnaa gawaarida dadweynaha, waxaana jidka u galay Ciidamo Shabaab ka tirsan, oo duurka ka qawleysanaya, waxayna ku amreen labadii askari inay ka soo dagaan gaariga iyaga oo gacmaha ku sita laba qori oo Ak-47 ah, waxaana amarkaas si deg deg ah u fuliyey labadii Askari ee xaaladda xun galay.

Markii ay gaariga kasoo dageyn ayaa waxaa qoryihii ka qaaday Ciidamadii Shabaab ka tirsanaa, waxaana la fasaxay gaarigii ay saarnaayeen, waxayna ula dhaqaaqeen duleedka fog ee Degmada Mahaday, waxaana casbi iyo qalqal dareemay dadkii saarnaa Gaariga.

Saacado kadib ayaa la ogaaday inay Al-Shabaab gawraceen labadii askari, sidoo kalena ay ka qaateen labadii qori ay wateen, taasoo noqotay arrin la yaab leh.

Askarta la gawracay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay  Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka Somaliya ee ku sugan Mahadaay.

Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa sheegay inay isku dayeen baadigoobka labadaasi askari, balse ay u suurageli weyday helitaanka macluumaad ku saabsan meesha askartaasi lala aaday.

Markii ugu horeysay maahan inay Al-Shabaab gawracaan askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa, dhawr jeer hore ayey dhacday, waxayna arrintaan Al-Shabaab ka tahay ciqaabta ugu adag oo ay marsiiyaan dadka kasoo horjeedo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada