Toos u daawo: Shirka Caalamiga ah ee LONDON Loogu qabtay Soomaaliya iyo Khudbadaha Madaxda oo Socda (Video)

Toos u daawo: Shirka Caalamiga ah ee LONDON Loogu qabtay Soomaaliya iyo Khudbadaha Madaxda oo Socda (Video)

daajis.com:-  Waxaa magaalada London maanta oo Khamiis ah isugu yimid madax fara badan kuwaasi oo ka qayb gelaya Shirka Caalamiga ah ee looga Hadlayo xaaladda Soomaaliya, Waxaana Kullanka oo lagu qabtay Lancaster House, si wada jir u shir guddoomin doona Britain, Soomaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ra’isal wasaaraha UK oo ololihii ay ku jirtay uga fadhiisatay shirka London, Waa arin naadir ah in Ra’isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.

Balse maanta Theresa May waxay marti gelinaysaa shirka caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo ay ku rajo weyntahay in Britain ay hormuud ka noqon doonto arimaha dunida ka bixidii Ingiriiska ee Midowga Yurub ka dib.
Dowladda UK ayaa waxay durbadiiba balanqaaday in 70 ka mid ah cidamadeeda u diri doonto Soomaalia iyo 21 Milyan oo Gini oo deeq ah si sare loogu qaado ammniga Soomaaliya.


Waxaa la filaya inay ku heshiiyaan qorshe lagu tabobari doono ciidamo dheraad oo Soomaali ah oo bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Shirkan caalamiga ee Soomaliya ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in lagu heshiiyo in gargaar caalaami ah oo dheraad ah lagu siiyo Soomaaliya si wax looga qabto abaarta daba dheeraatay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada