daajis.com:- Booliska Waddanka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ay dhaawacmeen taageerayaal kor u dhaafaya 1,500 ruux kuwaas oo xalay Piazza San Carlo ee Bartamaha magaallada Torino ee Talyaaniga ku daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Juventus iyo Real Madrid 1-4 ee Koobka Horyaallada Yurub.
Tobankii daqiiqo ee ugu dambeystay ciyaartii Juventus cashirka loogu dhigay ayaa waxaa mar qura yeeray dhawaaq iyadoo kaddibna dadkii faraha badnaa ay is buurteen xilli qof walba uu isku dayayay inuu naftiisa la baxsado.
Booliska Talyaanigu waxa uu xusay in ay haatan baarayaan waxyaabihii saxda ahaa ee dhaliyay in dhibaatadaasi ka dhex dhacdo dad si nabad ah shaashado waaweyn ka daawanayay ciyaartii xalay ee Champions League ee ka dhacday Cardiff.

Geba-gebadiina gurmadka deg degga ah ayaa soo gaaray barxaddii San Carlo ee Torino halkaas oo ay u soo gurmadeen dadkii dhaawacmay iyadoo kaddibna halkaa laga soo ururiyay Kabo fara badan oo ay ka carareen dadkii lahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at