DAAWO: Beesha Biimaal oo Eedaymo Kulul soo Jeedisay iyo Shir Balaadhan oo Muqdisho ay ku Qabteen

DAAWO: Beesha Biimaal oo Eedaymo Kulul soo Jeedisay iyo Shir Balaadhan oo Muqdisho ay ku Qabteen

daajis.com:- Beesha Biimaal ayaa warsaxaafadeed ay qabatay si weyn ugu eedeysay kooxda Al-shabaab oo ay ku tilmaameen iney yihiin Gaalo, Waxayna sheegeen Sidoo kale  in Dhibaato wayn ay ka Haysato Dagaalada ka dhac Gobolada Shabeelada Hoose, Guryihiina laga gubay,  Waxayna Dulmi cad ku sheegeen Shirarka dib u Heshiisiinta.

Waxaay fariin udireen madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Kheyre iyo  oo ay ku dacweeyeen Dhibaatada Haysata, Waxayna sheegeen inay Rajo wayn ka qabeen Dawlada dhexe ee Sooomaaliya.


Dhinaca kale Waxay eedayn Kulul usoo Jeediyeen Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed,    Waxayna sheegeen in Gobolka Shabeelada Hoose uu  ka Madax banaanyahay Maamulka uu Hogaamiyo,  Sidoo kale Hay’adaha Samafalka ayay u direen Qaylo-dhaan.

Beelaha Biimaal iyo Habar Gidir ayaa mudo ku dagaalamayay deegaano katirsan Shabeelada Hoose, Dagaaladaas ayaana saameyay dadka Rayidka ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada