Daawo: Munaasibadda 26-ka June oo Xalay si weyn Looga xusay Muqdisho

Daawo: Munaasibadda 26-ka June oo Xalay si weyn Looga xusay Muqdisho

daajis.com:- Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Waaya jooga ah oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheekeeyay Taariikhada Halganka Soomaaliya, iyaga oo aad u xasuusiyay dadka ka soo qaybgalay munaasabadaan dadaalka dheer ee laga soo maray in la gaaro Soomaaliya oo xor ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa ku hadlay Afka Guddiga Qaban qaabada Munaasabadaha Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda Qaranka oo isla socda ay u soo baxeen xuska 26-ka June oo ah markii xoriyada ay qaateen Gobalada Waqooyi ee dalka.


Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale si aad ah ugu mahadceliyay hay’adaha Ammaanka iyo Warbaahinta oo si wayn isaga xilsaaray Xuskaan oo aad ugu wayn Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa asna 26-kii June Sanadkii 1960-kii inay ahayd maalin wayn oo dadka Soomaaliyeed ay ka hoos baxeen gumaystihii heestay Dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa tilmaamay in 26-June ay tahay maalintii Calan Soomaaliyeed ee Xor ah laga taago wadan Soomaaliyeed oo Xor ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa asna dhankiisa xusay Guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii ay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

“Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

Ugu danbayntii Calanka Quruxda Badan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la saaray Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada