daajis.com:- Wasiiro katirsan dowladda Soomaaliya ayaa safar saxaafada laga qariyay manta uga anbabaxay magaaladda Muqdisho iyagoo kusii jeda magaalada Riyad ee boqortooyadda dalka Sacuudiga.
Tirada wasiiradan oo gaaraya ilaa shan, ayaa ka anbabaxay magaaladda Muqdisho, waxaana qorshahooda uu yahay iney heshiisyo lasoo saxiixdaan dowladda dalkaas Sacuudiga.
Xubnaha wasiirada ah ee ka baxay magaaladda Muqdisho waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhigga Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidkacirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac iyo wasiiro kale waxaa ku wehliya safarkooda La taliyaha khaaska ah ee Boqorka Sacuudi Carabia oo Muqdisho maanta soo gaaray.
Waxaa jira warar sheegaya in xubnahan ay sidoo kale la kulmi doonaan madaxda Sacuudiga oo ay ka wada hadli doonaan arinta dalka Qatar oo dhawaan xariirka ay ujareen dalal badan oo Carabta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:04 and have
, Published at