DHAGAYSO: Muqdisho Qoryihii oo yaraaday iyo Ciidamada xasilinta oo soo qab qabtay Mindiyo iyo Baangado

DHAGAYSO: Muqdisho Qoryihii oo yaraaday iyo Ciidamada xasilinta oo soo qab qabtay Mindiyo iyo Baangado

daajis.com:- Ciidanka Xasilinta caasimadda ayaa maanta waxa ay Howlgal ka sameeyeen Isgoysyada ku yaalla wadada sodonka ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay Mindiyo iyo Baangado, kuwaasi oo laga soo aruuriyay Gaadiidka dadweynaha iyo Bajaajta isticmaaleysay wadada sodonka.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, howlgalka kadib ayaa sheegay Howlgalkan in lagu soo qab qabtay Mindiyo iyo Baangado, ayna ka dhigan tahay in Qoryihii magaalada laga dhameeyay.


Waxa uu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir magaalada Muqdisho in ay tahay amni, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay taageeraan oo ay la shaqeeyaan Ciidanka amniga, si looga hortago falalka amni daro.

Shacabka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay howgalada ay Ciidamada Xasilinta ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa amni ahaan isbedashay wixii ka dambeeyay markii Dowladda Federaalka sameysay Ciidanka Xasilinta Muqdisho, kuwaasi oo magaalada ka bilaabay hub uruurin iyo howlgallo kale oo amniga lagu sugayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada