MUUQAAL: Madaxawayne Farmaajo oo La wareegay Noloshooda Gabadhaha Agoonta ee Xarunta Afgooye (Daawo)

MUUQAAL: Madaxawayne Farmaajo oo La wareegay Noloshooda Gabadhaha Agoonta ee Xarunta Afgooye (Daawo)

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Damaamad qaaday xanaaneynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.


Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweeneyda maamusha xarunta agoonta ee Afgooye, ayaa sheegtay in bur burkii kadib lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo xarunta Agoonta ee Afgooye.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Soomaaliya Xuseen Xasan Cismaan ayaa amaanay dhaqanka wanaagsan ee uu Madaxweynuhu sameeyay, maadaama uu damaanad qaaday nolosha agoonta degmada Afgooye.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada