MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad Qiimo leh u jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Uganda

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad Qiimo leh u jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Uganda

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Boqolaal dad ah kula hadlayay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa shaaca ka qaaday in dadaal dheer ay ku bixinayaan sidii ay usoo celin lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.


“Anaga aragtadeena dowladnimo waa inaan soo celino Sharafkii Soomaaliyeed, maxaa yeelay dowladu waa muraayadiina” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ay haatan tahay dhanka amaanka oo ay kooxda Shabaab weeraro dad lagu laayo geysanayaan.

“Nabad galyadeenii waxaa naga qasay aan aduunka kula tartami laheyn waa nimankaas dhalinyarada ah oo aan cafis ufidinay si ay inoogu yimaadaan: ayuu yiri MD Farmaajo oo tilmaamay in Shabaab ay haatan bilaabeen iney isa soo dhiibaan.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale umadda Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka qeyb qaataan sugidda amaanka hadii ay gudaha iyo dibadda joogaanba.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada