Xilliga Afurka Qofka Maxaa Wanaagsan Inuu Ku Afuro Iyo Ducada La Akhristo Wakhtiga Afurka…….

Xilliga Afurka Qofka Maxaa Wanaagsan Inuu Ku Afuro Iyo Ducada La Akhristo Wakhtiga Afurka…….

daajis.com:- AFURKA RUUXA SOOMAN. Wakhtiga Afurka: Haddii Ruuxa Sooman uu Hubsado in Wakhtigii Afurka la gaaray waxaa Waajib ku ah inuu Afuro, haddaba Ruuxa Sooman waxa uu ku Afuraayo waxaa ugu Fadli Badan Timir,

Sida Sunada ahna Waxaa ugu yar Saddex Xabo, Haddii Timir la waayo Xoogaa Biyo ah.

Haddaba Nabigeena CSW, Kama Sugnaanin waxaan Labadaas ka aheyn ee Cunay ama Cabay Salaada Maqrib ka Hor, Markuu Tukadana wuxuu Doono ayuu Cuni jiray.

DUCADA LA AQRISTO MAARKA LA AFURAAYO:

Axaadiista ku soo Aroortay Ducada la Aqristo Marka la Afurayo waxaa ugu Saxiixsan Ducadaan:-

( ذهـب الظمـأ وابتلـت العـروق وثبت الأجـر إن شاء الله ),

waxaana Wanaagsan Ducadaan iyo waxii kale ee uu Rabbi Weydiisanayo Adduunyadiisa iyo Aaqiradiisa inuu ku Ducaysto.

======================================

(ILAAHOOW SOONKA KHEERKIISA NA SII)
W.Q:- Fanax Fariid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada