Xog: Al-Shabaab oo hareereysay Abu Mansuur iyo Koonfur Galbeed oo ciidamo u dirtay

Xog: Al-Shabaab oo hareereysay Abu Mansuur iyo Koonfur Galbeed oo ciidamo u dirtay

daajis.com:-   Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo diray inay badbaadiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Mareyle oo loo yaqaaan Abu Mansuur, oo noloshiisa looga baqayo kooxda Al-Shabaab oo dooneysa inay gacanta ku dhigto ama disho.

Ciidamadan ayaa maanta gaaray deegaanka Baano ee gobolka Bakool, oo 8 KM u jirta deegaanka Abal oo uu ku sugan yahay Abu Mansuur, islamarkaana ay isku hareereeyeen kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Abal ayaa 18 KM u jira degmada Xudur.

Al-Shabaab ayaa deegaanka isku hareereysay kadib markii Roobow laga saaray liiska argagixisada Mareykanka, lana filayo inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay doonayaan inay dilaan Abu mansuur, si ay uga hortagaan inuu sirta kooxda siiyo dowladda Soomaaliya, maadaama uu ahaan jiray amiir ku xigeenka kooxda Al-Shabaab.

Abu Mansuur ayaa waxaa deegaanka Abal oo uu ku dhashay ku ilaalinaya maleeshiyo ku beel ah, oo uu haystay tan iyo markii ay Al-shabaab isku dhaceen sanadii 2012-kii, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inaysan ku filneyn inay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Wararka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in laga cabsi qaba in saacad kasta uu qarxo dagaal u dhaxeeya dhinacyadan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada