Cadaadis weyn oo Shabaab soo wajahay iyo qaraxii Siinka Dheer oo arrin muhiim ah banaanka soo dhigay

Cadaadis weyn oo Shabaab soo wajahay iyo qaraxii Siinka Dheer oo arrin muhiim ah banaanka soo dhigay

daajis.com:- Qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Koontarool ciidan oo ku yaala duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Siinka Dheer.

Wararka ayaa sheegaya in gaari kuwa xamuulka ahaa oo ciidamada ammaanka ay gelinkii hore ee maanta ku joojiyeen koontaroolka uu qarxay.

Gaariga qarxay ayaa ahaa nooca xamuulka, waxaana saarnaa dhuxul, kaasoo muddo uu yaalay nawaaxiga koontaroolka oo ciidamada ay baaritaan ku hayeen.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in qaraxan in illaa 3 ruux ay ku dhinteen qaraxa, halka todobo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ah oo marayay wadada.

Haddaba baabuurkaan qaraxa waday ee halkaas lagu fashiliyey ayaa muujinayo inay Al-Shabaab qaraxyada waaweyn kusoo diyaariyaan meel ka baxsan Magaalada Muqdisho sida uu horey u sheegay taliyaha ciidamada Xasilinta Muqdisho, kaasoo tilmaamay inay Al-Shabaab qaraxyada waaweyn kusoo diyaariyaan banaanka Muqdisho isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la adkeeyo Koontaroolada Magaalada laga soo galo.

Tan iyo markaas Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa bilaabay inay adkeeyaan Koontaroolka Siinka dheer maadaama tununka ugu badan halkaas laga qabo sidoo kalana waxaa ciidamo la dhigay Koontaroolka Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha.

Baaritaanadaan ayaa cadaadis weyn saaray Ururka Al-Shabaab oo awoodi waayey inay qaraxyo baabuurta waaweyn ah soo galiyaan Magaalada Muqdisho, waxaa gawaarida waaweyn ee Khudaarta iyo dhuxusha ee soo galayo Muqdisho lagu amraa inay rarka dajiyeen isla markaasna dib loogu celiyo si loo hubiyo inaan lagu soo dhex qarin waxyaabo qarxo.
Dadaalkaan ayaa keenay in Shalay Koontaroolka Siinka dheer lagu qabto baabuur xamuul ah oo lagu soo xiray qarax tankiisa aad u weyn yahay kaasoo la damacsansaa in lagu qarxiyo Magaalada Muqdisho, waxaana baabuurkaas qabtay oo joojiyey ciidamada Xasilinta Muqdisho balse ugu dambeyn wuu qarxay wuxuuna sababay khasaaro iyo dhimasho ka yar middii uu geysan lahaa haddii uu Muqdisho ku dhex qarxi lahaa.

Ugu dambeyntii Qaraxaan lagu soo xiray baabuurkaan ayaa farriin rasmi ah u diray Ciidamada Xasilinta oo xaqiiqsaday in gawaarida waaweyn ee qaraxyada lagu soo xiro aan lagu diyaarin Muqdisho.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Qaraxyadaan ayaa waxaa lagu soo diyaariyaa deegaanada Awdheegle iyo Bariire oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ajaanib ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku takhasusay sameynta qaraxyada, waxaana jiro Xarun weyn oo ku taal Bariire oo lagu sameeyo qaraxyada taasoo ay lagama maarmaan tahay in la duqeeyo si looga nasto qaraxyadaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada