Ciidamada Amisom oo ka guuraya saldhig weyn oo Muqdisho ay ka sameysteeb

Ciidamada Amisom oo ka guuraya saldhig weyn oo Muqdisho ay ka sameysteeb

daajis.com:- Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Muddo ku dhow 10 Sano deganaa Jaamacadda Gaheyr ayaa saakay ugu dambeyntii ka guuraya xarunta Jaamacadda.

Ciidamada dowladda Burundi ayaa Sanadkii 2007dii degay Jaamacadda Gaheyr qeybteeda Degmada Dharkenley.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska , waxaa goobta ay ka guuraya Ciidamada AMISOM degi doono ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Gaheyr ka guuraya in ay aadayaan Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ,halkaasi oo ay ka sameysteen Saldhig.

Guud ahaan maanta waxaa xiran wadada dheer ee ka timaada Ex-Control Afgooye illaa Isgoyska KM4, sababtana waxaa lagu sheegayaa inay tahay ciidamada Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada