C/weli Gaas oo Hanjabaad tii ugu cusleyd u diray Ganacsatada Puntland ee dhaqaalaha u cantoobiya Shabaab

C/weli Gaas oo Hanjabaad tii ugu cusleyd u diray Ganacsatada Puntland ee dhaqaalaha u cantoobiya Shabaab

daajis.com:- Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Ganacsatada qaar ay dhaqaale xoogan ku taageeran maleeshiyaadka Shabaab ee ka dagaalama deegaanada maamulka.

C/weli Gaas waxa uu sheegay in Ganacsatada noocaasi ah ay burbur u horseedayan maamulka, waxa uuna ku baaqay in Xabsi la dhigo kuwa lagu helo kiiska garabsiinta Shabaab.

C/weli Gaas waxa uu amray in sharciga lala tiigsado Ganacsadihii lagu helaa isagoo fangareynaaya maleeshiyaadka Shabaab ee qalqalka ku haya amniga maamulka.

C/weli Gaas, waxa uu sheegay in Ganacsatadaasi ay ku sugan yihiin degaanada maamulka Puntland ,isla markaana aysan bixin canshuurihii ku waajibay, balse Shabaab ay siiyaan sanadwalba Canshuuro badan.

Gaas waxa uu cadeeyay in maamulkiisa ay Ganacsatada ula dhaqmi doonaan sidii Shabaab oo kale, waxa uuna ku baaqay in Xabsi la dhigo Ganacsadaha aan bixin canshuurta ama garab dhaqaale siiya maleeshiyada.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in sababta ay Ganacsatada dhaqaalaha usiiyan Shabaab ay tahay Cabsi ay ka qabaan in la dilo ama la gumaado.
Geesta kale, C/wali Gaas ayaa cod dheer ku sheegay in Mowqifka Puntland uu yahay in Xabsi la dhigo Ganacsadihii Shabaab siiya dhaqaale isla markaana aan bixin canshuurta maamulka ku leeyahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada