Maxaa ka jira wararka sheegaya in DFS aysan isticmaalin Diyaaradaha yaryarka Drones-ka ah ee loogu deeqo

Maxaa ka jira wararka sheegaya in DFS aysan isticmaalin Diyaaradaha yaryarka Drones-ka ah ee loogu deeqo

daajis.com:- Waxaa sii kordhaaya tirada Diyaaradaha Drones-ka ee loogu deeqayo dowlada Federaalka ah ee Somalia kuwaa oo masaafo fog wax ka basaasa.

Diyaaradaha Drones-ka ee loogu deeqay dowlada Federaalka ayaa ah nooca loo adeegsado keliya duubida muuqaalada goobaha ay ku wajahan yihiin ciidamada iyo goobaha ay kolkaa heystaan maleeshiyaadka Shabaab.

Diyaaradahan oo aan aheyn nooca dhibaatada loo adeegsada ayaa waxaa siyaabo kala duwan dowlada ugu deeqay dowladaha Mareykanka iyo Britain, kuwaa oo Somalia kala shaqeeya la dagaalanka Shabaab.

Diyaaradaha Drones-ka ee ugu horeeyay ee loogu deeqo dowlada Somalia ayaa waxaa lasiiyay 2016-ka, waxaana loo isticmaalayay duubista muuqaalada goobaha ay ka howlgalayaan ciidamada amaba ay heystaan Shabaabka, walow aysan gaari karin masaafo fog.

Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa aad ugu xeel dheer isticmaalka Drones-ka noocyadooda waaweyn iyo kuwa aadka u yar ee loo adeegsado basaaska, waxaana xusid mudan in shaqsiyaadka hagaaya ay tababar siiyan Saraakiisha labada dal ka jooga Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan si rasmi ah u isticmaalin deeqaha ay ka gudoonto dowladaha reer Galbeedka waxaana suuragal ah in deeqahaasi militery ay gasho gacanta shaqsiyaad gaara.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada