Shabaab oo taatiko cusub buuraha Galgala ugu dishay Saraakiil ka tirsan Puntland

Shabaab oo taatiko cusub buuraha Galgala ugu dishay Saraakiil ka tirsan Puntland

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Buuraaleyda Galgala ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay dileen laba Sargaal oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Maleeshiyada ayaa Saraakiishani labada ah dishay kadib markii dagaalyahano iyaga ka tirsan si dhuumaaleysi ah ay ugu soo gaatameen Saraakiisha sidaana ku dileen.

Saraakiisha la dilay oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in rasaas lagu furay, iyaga oo fadhiyay meel difaac ah oo ka tirsan Buuraha Galgala.

Qaabka uu dilka u dhacay oo ahaa qaab cajiib ah ayaa waxa ay maleeshiyada si dhuumaaleysi ah Saraakiisha ugu soo dhawaday, iyaga oo ku gambanaayay dhagxaanta waaweyn ee Buuraha Galgala, ayaa mar kaliya rasaas ku furay Saraakiisha geeriyooday.

Saraakiisha la dilay ayaa qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsan Puntland oo shalay lagu faafiyay meelo ka tirsan Buuraha Galgala.

Saraakiisha la dilay iyo Ciidamada kale ee ku sugan difaaca ayaa Buuraha Galgala u gaaray baadigoobka maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa ciidamo dheeri ah geeyay Buuraha Galgala kuwaa oo loo kala qeybiyay dhufeysyo dhowr ah oo laga sameeyay Buuraha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada