Gudigii Xaflada IIFA 2017 Qaban Qaabiyeen Priyanka Chopra Lacagaha Ay Weydiisatay Wey Bixin Waayeen!

Gudigii Xaflada IIFA 2017 Qaban Qaabiyeen Priyanka Chopra Lacagaha Ay Weydiisatay Wey Bixin Waayeen!

daajis.com:- Priyanka Chopra waxay noqotay atirisho caalami ah oo ka dhaxeyso Bollywood-ka iyo Hollywood-ka sidoo kalena magac weyn ayay ku dhex yeelatay gudaha Hollywood-ka.

Hadaba xafladii IIFA 2017 ee magaalada New York lagu qabtay waxaa laga waayay Priyanka Chopra oo la sheegay gudaga xafladaan soo qaban qaabiyeen inay ku adkaatay dalabka PC inay la kulmaan.

Priyanka iyo gudiga xaflada IIFA 2017 wada hadalo kala duwan ayay yeesheen laakiin markii bilawgii todobaadkaan IIFA lagu qaban rabay New York ayaa la shaaciyay in PC goobta imaan doonin.

Qof aad ugu dhow Priyanka ayaa shabakada Spot Boye u sheegay in Priyanka ay dalbatay lacago aad u fara badan oo ay gudiga IIFA 2017 bixin kari waayeen.

Sababtana waxay tahay in Priyanka haatan noqotay atirisho caalami ah madaama ay bilawgii sanadkaan ka qayb gashay xaflado badan oo caalami ah sida Oscar, Grammy Awards iyo kuwo kale.

Sidaa darteed Bollywood-ka Priyanka Chopra wey ka talaabsatay hadii ay u baahan yihiina waa inay siiyaan lacago la mid ah jilaa Hollywood-ka ka tirsan hadii ay xafladahooda ku casuumaan!

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada