Hargeysa: Rag qodanayey qabriga sheekh caan ah oo la qabtay iyo yaab ka taagan

Hargeysa: Rag qodanayey qabriga sheekh caan ah oo la qabtay iyo yaab ka taagan

daajis.com:-   Ciidanka Booliiska degaanka Arabsiyo oo ka tirsan degmada Gebiley ayaa soo qabtay laba nin oo qodayey xabaal u ku aasan yahay Shiikh caan ahaa oo in ka badan konton sanno ka hor geeriyooday.

Ragga la qabtay, waxaa la sheegay inay weheliyeen laba Nin kuwaasoo ilaaliyeyaal u ahaa islamarkaana watay Gaari iyo GPRS.

Waxaa loo gudbiyay xarunta Dambi Baarista magaalada Hargaysa, halkaasoo lagu weydinayo su’aalo la xariira sababta ku kaliftay qodasha Qabriga Shiikha Nus Qarni kahor dhintay.

Gudoomiyaha Arabsiyo Cabdullaahi Cabdi Faarax oo Saxaafadda dhacdadan uga waramay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Arrintani way jirtaa Shiikh Caan ah ayaa nimankan lagu qabtay iyagoo xabaashiisa qodaya”.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu warbixintiisa ku daray Guddoomiye Cabdullaahi, “Rag la socday ayaa baxsaday, balse labadan la hayo waxaa loo gudbiyay magaalada Hargaysa”.

Cabdullaahi Cabdi ayaa intaasi ku daray in Shiikha xabaashiisa ay qodayeen nimankani lagu magacaabi jiray Shiikh Suufi Nuuriye isla markaana ka mid ahaa Culimadii hore ee Arabsiyo.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in goor hore sidaan oo kale uga dhacday deegaanka Arabsiyo kuwaasoo lagu qabtay rag qodanayay Qabuurta Shiikh kale.

Dhacdadan ayaa aad looga hadal hayaa Somaliland waxaana Shiikha xabaashisa la qodayey oo sannad kasta ay dad siyaartaan ay ku beegnayd xilligan maalmihii la booqan jiray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada