Maxkamadda sare ee UK oo ku dhawaaqday go’aankii laga gaaray Sacuudiga

Maxkamadda sare ee UK oo ku dhawaaqday go’aankii laga gaaray Sacuudiga

daajis.com:- Maxkamadda sare ee UK ayaa ku dhawaaqday in hubka dowladda ay ka iibineyso dalka Sacuudiga uu yahay mid sharci ah, kadib markii ay aragtay caddeymo sir ah.

Maxkamadda ayaa diiday dooda dad u ololeynayey in iibka hubkan la joojiyo, sababo la xiriira dagaalka Sacuudiga uu ka wado dalka Yemen, oo shacab badan lagu laayey.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duqaymaha dhanka cirka ah ee Sacuudigu uu ku bartilmaameedsanayo jabhadaha Xuutiyiinta ah in ay ku dhinteen kumannaan shacab ah.

Hay’adda ka soo horjeeda in hubka laga ganacsado ee The Campaign Against the Arms Trade oo dacwadan keentay maxkamadda ayaa sheegaysa in UK ay meel uga dhacday qawaaniinta xuquuqda aadanaha.

Kooxda The Campaign Against the Arms Trade ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka maxkamadda.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in waraaqo sir ah oo la tusay, balse aan si shaacsan loo soo bandhigi karin ay muujinayaan in go’aanka wasiirka arrimaha dibedda uu ku gaaray in hubka laga iibiyo Sacuudiga uu yahay mid haysta sabab macquul ah.

Qalabka milatari ee Sacuudiga laga iibiyay waxaa ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ee dagalka oo noocyadoodu kala yihiin Typhoon iyo Tornado iyo waliba bambooyinka meelaha fog laga hago.

Ganacsigaas ayay shaqooyin ka heleen kumannaan injineer oo reer UK ah iyadoo dalkuna uu ka faa’iiday balaayiin doolar.

Sacuudi Carabiya ayaa taageeraysay dawladda ay dunidu aqoonsan tahay ee Yemen tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaas sannadkii 2015kii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada