Qatar oo go’aan ka gaartay dalab cusub oo ka yimid xulufada Sacuudiga

Qatar oo go’aan ka gaartay dalab cusub oo ka yimid xulufada Sacuudiga

daajis.com:- Dowladda Qatar ayaa waxay diiday wadahadalka u xiran sharuudaha, kaasi oo ay u soo gudbiyeen dowladaha Qatar u jaray xiriirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Maxamed Binu Cabdi Raxmaan Aala Thaani, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diiday liis sharuudo ah oo ay u soo gubiyeen dowladaha carbeed oo xiriirka u jaray Qatar, waxaa uuna arrintaasi ku sheegay in ay meel ka dhac ku tahay qawaaniinta caalamiga ah.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa waxay muujiyeen in wadahadalka Qatar uu ku xiranyahay in ay ka soo jawaabto liiskii sharuudaha ahaa ee ay ugud biyeen marka ay bilaabatay dhibaadata Khaliijka.
Dhanka kale wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha xiriirka u jaray Qatar oo shalay shirk ku qabtay Baxreyn ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal shardiyeysan oo ay lagalaan Dooxa, kaasi oo ah in si dhab ah loola dagaallamo argigixisada  iyo in la joojiyo maalgalintooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada