Qatar oo sheegtay hal arrin oo u saamaxeysa in xulufada Sacuudiga aysan ka adkaan

Qatar oo sheegtay hal arrin oo u saamaxeysa in xulufada Sacuudiga aysan ka adkaan

daajis.com:- Wasiirka Maaliyadda Qadar, Cali Shariif al-Camaadi, oo la hadlay jaraa’idka Ingiriiska ayaa yiri, “maalgashigeena maaliyadda madaxabannaan waxay laba jibbaar iyo nus (250%) le’egatahay waxsoosaarka guud ee dalka; Bangiga Dhexe ee Qadar wuxuu leeyahay kayd iyo dhigaal saa’id ah; intaas kaliya ma aha e Wasaariyadda Maaliyadda Qadar waxay leedahay kayd loo meel-dayey maalinka loo baahdo.”

Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii Sacuudiga iyo xulufadiisu ku goodiyeen cunoqabatayn siyaado ah oo la sii dul saaro Qadar.

Wasiir Camaadi intaas kuma uu joojin e waxa uu dabadhigtay dawladaha Carabta ee u goodinaya Qadar. Wuxuu yiri, “Baxreyn iyo Masar maaliyadoodu qashinqubka waxba ma dhaanto. Sacuudigu asna asagaaba hadda tiisa la yaaban, oo waxaa dul heehaabaya daruuro maaliyad xumo.”

Dhanka Qadar, wasiirku wuxuu yiri, ” gobolkaan khaliijka waxaan nahay dalka dhanka dhaqaalaha ugu koriimo sarreeya, dalka nagu xigana [Imaaraadka] waxaan ka sarraynaa 40%.”

Afarta dal ee Sacuudigu huggaaminayo ayaa dawladda Qadar ku eedeeyey argagixiso taageer. Qadar ayaa beenisay in ay wax taageero ah u fidiso argagixisada, laakiin Sacuudiga ku eedaysay in uu yahay meesha xagjirka laga taageeero, laguna soo tababaro.

Dawladda Ingriiska ee Theresa May hugaamiso ayaa mucaaradku hadda ku eedaynayaan in ay qarinayso warbixin sirdoonka Ingiriisku uu bil kahor soo gudbiyey, laguna eedaynayo in Sacuudigu yahay waddan taageera oo laga abaabulo xagjirka dunida Islaanka. Warbixintaas oo ahayd in baarlamaanka Ingiriiska la horgeeyo waxaa joojisay RW Theresa May.

Qadar oo safka hore kaga jirta wadamada adduunka ugu taajirsan ayaa sannadka 2022 martigalinaysa koobka kubadda cagta ee adduunka. Dawladda Qadar waxay kale oo dhanka maaliyadda ka taageertaa talafishanka caalamiga ah ee ALJAZEERA.

Afarta dawladood ee Sacuudigu huggaaminayo ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin afar dal oo aan laga ogolayn xoriyadda afka iyo saxaafadda madaxabannaan midkoodna.
Qadar ayaa dalabaadka Sacuudiga oo ay ugu weyn yihiin xiritaanka ALJAZEERA, xiritaanka saldhigga milateri ee Turkiga, iyo xiriirjarka Iran u aragta mid loola jeedo bahdil iyo liid la liidayo huggaanka dawladda Qadar iyo dadkeeda.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya ku cadaadinaya in ay ayana soo raacaan xulufada Sacuudiga, xiriirkana u jaraan Qadar.

Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay in ay qayb ka noqoto khilaafka Carbeed, diidayna lacag lagu qiyaasay $80 milyan oo Sacuudigu yiri waa abaalmarin haddii Soomaaliya xiriirka u jarto Qadar.

Horay ayaa dawladdu Sucuudigu ku khasabtay in saas oo kale Soomaaliya ay xiriirka ugu jarto Iran. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kalkaas u huggaansamay amarka Sacuudiga, laakiin illaa iyo hadda ma cadda waxa ay Soomaaliya ka dheeftay xiriirjarka Iran. Wararka qaar ayaa sheegaya in Sacuudigu uusan weli fulin ballanqaadkiisii Soomaaliya ee xiriirjarka Iran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada