Sawirro: Ciise Jiijiile oo la aasay iyo xiisaddii dilkiisa oo xal laga gaaray (Akhriso)

Sawirro: Ciise Jiijiile oo la aasay iyo xiisaddii dilkiisa oo xal laga gaaray (Akhriso)

daajis.com:-Taliye ku xigeenkii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa ee lala dilay ayaa maanta lagu aasay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa lagu dilay iska hor-imaad agagaarka madaxtooyada ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda, oo saraakiisha amniga dowladda ay sheegeen inuu ku dhacay si kam ah.

Waxaa aaska ka qeyb galay xubno sare oo ka mid ah beesha Murusade ee uu kasoo jeeday, sida Jeneral Bariise, Jeneral Gafaow, taliyaha Ciidanka howlgalada Nabad Sugida Soomaaliya Maxamed Abuukar Cali Jacfar, Nabadoon Xaad iyo qaar kale oo ka mid ah odayaasha beesha.

Warar Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in beesha oo shalay dalbatay in loo dilo taliyihii ka dmabeeyey dilka Jiijiile lagu qanciyey inay xiisadda dejiso islamarkaana aasto marxuumiinta.

Waxaa sidoo kale ay beesha Murusade ogolaatay inay arrintan u deyso guddiga uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ee baaraya sababta keentay isku dhacii hogaamiyey dilka Jiijiile iyo ilaaladiisa.
Beesha ayaa sidoo kale sheegtay in labada ciidan ee is-dilay ay yihiin laba ciidan oo qaran, sidaas darteedna ay go’aansatay inaan arrinta qabiil loo rogin.
Xubnihii beesha Mursade ee goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la demiyo xiisadda, lagana hortago wax kasta oo keeni kara iska horimaad cusub, ayaga oo ku baaqay in arrintan looga dambeeyo dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada