DAAWO:- Soo dhowayn Balaadhan oo loo qabtay Safiirka cusub ee Turkiga Dawladda Soomaaliya u Magacowday

DAAWO:- Soo dhowayn Balaadhan oo loo qabtay Safiirka cusub ee Turkiga Dawladda Soomaaliya u Magacowday

daajis.com:- Safiirka Cusub ee Dawladda Soomaaliya u Fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid oo dhowaan soo gaadhay dalka turkiga ayaa waxaa soo dhowayn Balaadhan Halkaasi ugu sameeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Turkiga.

Safiirka Cusub ee Dawladda Soomaaliya ayaa siwayn uga mahad celiyey Soo dhowaynta loo sameeyay, Wuxuuna xusay inuu garab istaagi doono Bulshada Soomaaliyeed, Kana shaqayn doono Howlaha horyaala iyo inuu u Adeego Shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladdiisa, Wuxuu si gaar ah uga hadlay sida Qofkasta oo Soomaaliyeed looga doonayo inuu dalkiisa wax u qabto,  Isagoona Ardayda dalkaasi wax ka barta Dar-daaran Qiimo badan usoo jeediyey.


Dalka Turkiga ayaa kamid ah dalalka Saaxiibada dhow ay yihiin Soomaaliya, Wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyo badan oo muhiim ah,  sidoo kale dalkaasi Waxbarasho u jooga Arday badan oo Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada