Sawirro: DF oo xarunta CID ku soo bandhigtay nin qarax ka geystay Muqdisho

Sawirro: DF oo xarunta CID ku soo bandhigtay nin qarax ka geystay Muqdisho

daajis.com:- Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigay gacan ku dhiigle la sheegay inuu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Shabaab.

Ninkaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Cismaan, waxaana iminka loo dhaadhiciyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee Magaalada Muqdisho.

Ninkaani ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay qarax bambaano oo shalay galab lagu tuuray dad ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Bamka uu tuuray ninkaani ka tirsan Shabaabka ee lasoo bandhigay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba ruux oo rayid ah, iyadoo saddex kalana ay ku dhaawacmen.
Baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay ninkaani ayaa waxaa lagu helay raadadka bambadii uu dadka ku dhibaateeyay, sidaasi daraadeedna ay cadahay in falkaasi uu isagu ka dambeeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada