Xog: Muxuu salka ku hayaa dilka taliye ku-xigeenkii hore NISA ee gobolka Banaadir?

Xog: Muxuu salka ku hayaa dilka taliye ku-xigeenkii hore NISA ee gobolka Banaadir?

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa dilka Taliye ku-xigeenkii Hay’adda NISA qeybteeda Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile) iyo Seddex kamid ahaa ilaaladiisa.

Iska hor imaadka oo u dhexeeyay Ciidanka NISA iyo Ciidanka Militariga ee ka howlgala Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ayaa la sheegay inuu salka ku hayay aano.

Ciidamada ugu badan ee ku dhintay Iska hor imaadka oo ka tirsan NISA ayaa dhacay kadib markii Taliye ku-xigeenkii hore ee marxuumka ah uu isku dayay inuu maro wadada hormarta Villa Somalia oo afafka hore ay ka joogen ciidamada Militeriga.

Rasaasta ayaa waxaa ku hormaray ciidamada Militeriga oo iyagu horay uga sii careysnaa Hub ka dhigis dhowr jeer lagu sameeyay xili laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka iyaga oo Hub iyo dareesba wata.

Qoraal ay daabacday Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in sababta ciidanka NISA loo rasaaseeyay ay tahay aargoosi la xiriira iska hor imaad horay uga dhacay Koontaroolka dhanka Umbulutooriyada xigga, sida ay baahisay.

Halkaasi oo ciidamada NISA ay ku dileen askari ka mid ahaa kuwii joogay Koontaroolkaasi.

Idaacadu waxa ay sheegtay in dilka Taliyaha uu ahaa mid Salka ku hayay aargoosi u dhexeeyay ciidamada NISA iyo Militeriga, waxa ayna ciidamada Militeriga ee Tiyaatarka sidaa ku dileen Taliyihii hore Ciise Jiijiile.
Dilka Ciise Jiijiile ayaa waxaa shir degdeg ah ka yeeshay qaar kamid ah Wasiirada, Xildhibaanada, Taliyayaasha NISA iyo Militeriga oo iyagu ka hortagaaya xiisad mar kale dhexmartaa ciidamada labada Hay’adood.
Si kastaba ha ahaatee, dilka Taliye ku-xigeenka NISA ee Gobolka Banaadir iyo Seddexda ilaalada u ahaa ayaa kusoo beegmeysa xili ciidamada Militeriga ay aad uga gadoodsan yihiin Hub ka dhigista lagu sameeyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada