Akhrsio: Madaxweynaha xilka laga qaaday oo labo gobol ka dhigay Hiiraan

Akhrsio: Madaxweynaha xilka laga qaaday oo labo gobol ka dhigay Hiiraan

daajis.com:- Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa qaaday tallaabo sharciga u ogolaaneyn oo uu ku magacaabay gobolka cusub, isagoo kala qeybiyay Gobolka Hiiraan.

Wareegto uu ku saxiixnaa Cali C/llaahi Cosoble,ayaa waxaa lagu magacaabay Gobolka Shabeellaha Sare kaas oo xaruntiisa laga dhigay degmada Buulo Burde, isaga oo ka koobnaan doona 5 degmo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu isagana noqonayo 7 degmo oo guud ahaan labada Gobol ay noqonayaan 12 degmo.

Dhinaca kale wuxuu taageeray isbahaysiga Sucuudigu Hogaamiyo, Wuxuuna soo saaray Waraaq la mid ah midii kasoo baxday Puntland.

Arintaan magacaabista Cosoble, ayaa u muuqata mid uu ku cadeynayo in uu ka maarmo Gobolka Shabeellaha dhexe, waxa ayna sii xoojin kartaa xiisada ka dhex taagan hoggaanka sare ee maamulk Hirshabeelle.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada