Big News:- Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Muqtaar Roobow oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Big News:- Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Muqtaar Roobow oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wadahadalo albaabada u xiran yihiin ku leh madaxtooyada, iyagoo ka wadahadalya sida laga yeelayo Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo shalay isu soo dhiibay dowlada.

Kulankan ayaa la sheegay in loogaga hadlayo sidii warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa Sheekh Muqtaar si uu u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan Alshabaab iyo argagaxisanimada.

Wararka ku dhowdhow kulankan ayaa sheegaya in ay dhici karto in maalmo ay qaadato soo bandhigida Muqtaar Roobow maadaama uu xanuun iyo daal badan uu hayo.

Sheikh Muqtaar Roobow oo ah sarkaalkii ugu sareeyay ee abid isu soo dhiibay dowlada Soomaaliya ayaa muhiim u ah sidii loo ogaan lahaa mowqifkiisa iyadoo dowlada Maraykanka ay dhowaan ka qaadeen lacag lagu xirey soo qabashadiisa.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa  la dejiyay xarunta Hey’adda Nabadsugida ee Habar Khadiijo, waxaana ka hor inta aan la geyn gawaarida qafilan lagaga soo galbiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ammaankiisa la wareegay Ciidamada NISA.

Abuu Mansuur ayaa ah hoggaamiyihii afaraad ee ka soo goosta Al-Shabaab, waxaa horay Al-Shabaab uga baxay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo aan wali cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay Shabaab, isla markaana xabsi guri ah, sidoo kale Zakariye Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isku soo dhiibay dowladda, kuwaasoo caddeeyay mowqifka ay ka taagan yihiin Shabaab, isla markaana codsaday in la cafiyo.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada