Pakistan oo maanta xusaysa maalinteeda xoriyadda iyo Hindiya oo iyana berri u dabaal degi doonta

Pakistan oo maanta xusaysa maalinteeda xoriyadda iyo Hindiya oo iyana berri u dabaal degi doonta

daajis.com:- Waddanka Pakistan ayaa maanta u dabaal degaya sanad guuradii 70′ ee ka soo wareegatay maalintii uu noqday dal xor ah oo ka madax bannaan boqortooyadii Ingiriiska ee gumeysan jirtay 14 Agoosto 1947-kii.

Maanta oo isniin ah ayaa waddanka Pakistan laga xusayaa taariikhdaasi qiimaha leh, iyadoo Ingiriiskuna ahaa midkii dal weyne Boqortooyo Hindiya ka talin jirtay u kala jaray laba (Hindiya iyo Pakistan 1947).

Calanka Waddanka Pakistan ayaa lagu xiray jidadka, guryaha dhaadheer iyo xafiisyada dowladda, iyadoo dadka deggan xuduudka Pakistan ay mac macaanka la cuno is dhaafsanayaan maanta dadka deriskooda ah ee Hindiya.

Maalinta berri oo Talaado ah ayaa waxaa iyana Waddanka Hindiya oo xoriyaddiisu maalin ka dambeysay dariskooda Pakistan uu isna xusi doonaa maalintiisa xuriyadda, waxayna ku beegnayd maalintii Hindiya noqotay dal xor ah 15 Agoosto 1947-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa berri la filayaa in uu khudbad u jeediyo qaranka xilli xiriirka iyaga iyo dalka muslimka ah ee ay deriska yihiin ee Pakistan uusan sidaa u sii wanaagsanayn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada