Daawo: Odayaal ku shiray Garoowe oo C.wali Gaas ugu baaqay inuu Iscasilo, Eedayn Kululna u jeediyey

Daawo: Odayaal ku shiray Garoowe oo C.wali Gaas ugu baaqay inuu Iscasilo, Eedayn Kululna u jeediyey

daajis.com:- Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda Gobolka Nugaal ayaa shir ay ku yeesheen Garoowe ku dhaliilay waxqabadka Madaxweynaha maamulka Gaas, waxay soo saareen bayaan ay ku eedeeyeen Madaxweyne Gaas inuu jebiyey qodobo Dastuuri ah, oo la xiriira awoodqeybsiga, Kheyraadka badda iyo beriga, iyo Siyaasada dibedda, waxayna ugu danbeyn ugu baaqeen in uu iscasilo.


Odayaashu sidoo kale waxay taageereen go’aankii dhex dhexaadka ahaa ee Dowladda Federaalku ka qaadatay arrinta Qadar, Bayaanka oo ay ku saxiixanyihiin 67oday oo Gobolka Nugaal kasoo jeeda, waxaa uu u qornaa sidatan:-

” Madaxweyne Gaas wuxu hareer maray Heshiiskii ey ku midoobeen dhamaan Shacabweynah Reer Puntland [Xeerkii] wuxuna si cad uhor istaagey dhismihii maxkamadda dastuuriga ahayd

1. Wuxu lumiyey Xeerkii Caasimaadda wuxuna Diidey Qoondadii ey kulahayd Miisaaniyadda Dalka sida ku Cad Qodobka 10 aad ee Dastuurka.

2. Waxa lawaayey Xuquuqdii Ciidamada iyo Shaqaalaha taasoo daba marsan Qodobka 37aad ee Dastuurka Puntland.

3. Wuxu jebiyey Qodobka 54 aad oo Qeexaya Khayraadka Puntland sida lookala leeyahay iyo Habraciisas Sharci.

4. wuxu jebiyey Qodobka 55aad ee Dastuurka kaas oo Qeexaya ilaalinta Deegaanka Bad iyo Biriba wuxuna Heshiisyo Sharci daro ah lagalay Shirkado Qawlaysto ah.

5. Wuxu jebiyey Qodobka 7aad ee Dastuurka kaaso Qeexaya Soohdimaha Puntland [Xuduudaha] iyadoo ay maqanyihiin Goboladii ugu muhiimsanaa.
Kadib Markaan Aragnay Arimahan kor ku xusan oo dhamaantood Halista ku ah Dawladnimada iyo Jiritaanka Puntlan, Waxanu ugu Baaqeynaa Isimada Reer Puntlanad iney wax ka qabtaan Xaaladda Cakiran ee Puntland ku sugantahay hadda.

Waxanu Madaxweynaha Dawladda puntland Mudane Cabdiweli Muxamed Cali ugu Baaqeynaa inuu is Casilo maadaama uu ku Guuldaraysatay Hoogaamintii loo igmaday siloo daba qabto puntland.

Waxanu ka codsaneynaa Dawlaadda Federalka Soomaaliyeed iney soo farageliso Arimaha Murugsan ee ka Jira Puntlanad waxna ka qabato Xaalufinta lagu samaynayo Badda iyo Biriga maadaama ay tahay Dawladii Dhexe ee Soomaaliyeed.

Waxanu Digniin kama damays ah udireynaa Dhamaan Shirkadaha sida sharci darada ah uga ka Kuumaysanaya Badda Puntland iyo kuwa Deegamadeeda macdanta ka guranya iney iskaga baxaan kuwa soo socdana ey ka laabtaan hadey ka dhega adaygaan wexey kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aaney kasoo Waaqsan.

Waxaanu Taageereynaa go’aamada ey gaarto Dawladda Federalka ee Soomaaliya iyo Heshiisyada ey lagasho Beesha Caalamka, waxaan kaloo Taageereynaa go’aankii dhex,dhexaadka ahaa ee ay ka qaadatay Dawladaha Khaliijka Carabta ee is hayey, Maadaama ey musuul katahay Siyaasadda dibedda ee Soomaaliya”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada