Ciidamo Cusub oo ka Socda Dalka Burundi oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Ciidamo Cusub oo ka Socda Dalka Burundi oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:-  Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo cusub oo ay Dowladda Burundi u soo dirtay dalka Soomaaliya, ciidamadan ayaa oo bedel u ah ciidan kale oo dalkaasi ka socday kuwaasi oo dhameystey mudadii ay ogolaanshaha u haysteen inay ka hawlgalaan gudaha dalka Soomaaliya.

Guutadan 45aad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Burundi ayaa soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxaana si kmg ah loo dejiyay Xarunta ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Xalane.



Guutadan waxay bedel u tahay guutada 39aad oo dhameystay muddo hal sano ah oo ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ciidamada Amisom.

Ciidanka cusub ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Korneyel Hatungimana Philbert, iyadoona uu qorshuhu yahay in la geeyo Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle, si ay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee Hiil Walaal.


Korneyel Hatungimana Philbert ayaa Xafiiska Warbaahinta Amisom u sheegay in ciidankiisa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar si ay dadka deegaanka uga caawiyaan soo celinta nabadda iyo xasiloonida deegaankaasi.
Dalka Burundi ayaa ah dalkii labaad ee ciidan nabad ilaalineed u soo diray Soomaaliya, iyadoo dalka Uganda uu ciidankii ugu horeeyay ee Midowga Afrika ka socda u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada