Madaxweyne Farmaajo & Sh Mukhtaar Roobow oo Kulankii ugu weynaa kuleh Villa Somalia & Mustaqbalka Roobow oo…

Madaxweyne Farmaajo & Sh Mukhtaar Roobow oo Kulankii ugu weynaa kuleh Villa Somalia & Mustaqbalka Roobow oo…

daajis.com:-  Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa manta la filayaa iney go’aan rasmi ah kasoo saarto xaalada Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kulan aan caadi aheyn la yeelan doona Roobow, iyadoo kulankaas looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin mustaqbalka Sh Roobow iyo go’aanka ay dowladu ka qaadaneyso.

Muqtaar Roobow ayaa horay ula kulmay Ra’iisul wasaare Kheyre iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed kulankaas oo ahaa mid wadatashi ah.

Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana uu yahay mid dhegta lagu wada haayo,in kastoo Saxaafada aan looga yeerin.

Muqtaar Roobow ayaa weli qaadan Go’aan kale marka laga soo tago in uu ka baxay Al-Shabaab,waxayna dowladda Soomaaliya ka fikireysaa waxa ay ka yeeli laheyd isaga iyo Ciidamadiisa.

Madaxweynaha DFS ayaa la filaaa inuu war rasmi ah kasoo saaro waxyaabaha kasoo baxa wadahadalkan.
Warar xili hore la helay ayaa sheegaya in Roobow fursad loo siinayo inuu kamid noqdo saraakiisha ciidamada dowladda si uu Shabaab ula dagaalamo, halka warar kale ay tilmaamayaa inuu ku laaban doono Baydhabo oo uu halkaas shacab ahaa isaga joogi doono inkastoo loo sameyn doono ciidamo waardiyeeya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada