Mukhtaar Roobow oo isku soo dhibay Dawlada iyo Koonfur Galbeed (Video)

Mukhtaar Roobow oo isku soo dhibay Dawlada iyo Koonfur Galbeed (Video)

daajis.com:- Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shaabab ayaa yimid magaalada Xuddur maanta sida ay  sheegeen mas’uuliyiinta dawladda.

Shiine Macalin Nuurow oo ah Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Mukhtaar Rooobow Abu Mnasuur uu haatan ku sugan yahay magaalada Xudur halkaasi oo uu soo gaadhay saaka.

Saraakiisha dawladda ayaa la sheegay inay xalay kulan kula yeesheen tuulada Abal Mukhtaar Roobow kadibna ay ku heshiiyeen inay yimaadaan magaalada Xudur.

Mukhtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo kula jiray maleeshiyada Al-Shabab oo weeraray saldhiggiisa.


Bishii Juun ee aynu soo dhaafnay ayaa Roobow laga saaray liiska dad ay si weyn u raadinaysay dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Al-Shabab ay bilaabeen inay ka saaraan degaannada uu ku jiro taasi oo ana u suurtogelin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada