Kheyre iyo Shariif Xasan oo shir albaabada u xiran yahay ka leh arrinta Roobow iyo Diyaarad taagan garoonka Xudur

Kheyre iyo Shariif Xasan oo shir albaabada u xiran yahay ka leh arrinta Roobow iyo Diyaarad taagan garoonka Xudur

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qorshaha Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya,iyadoo ay jiraan warar sheegaya in hada kulumo ay u socdaan Sheikh Mukhtaar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu u socdo kulan deg deg ah oo albaabada u xiran yahay.

Abuu Mansuur ayaa waxaa saaka deegaanka Abal oo uu muddo ku noolaa ka soo galbiyay Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60aad, kaddib markii ay maalin ka hor ugu gurmadeen deegaankii uu ku sugnaa.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada wadaadka oo gacanta dowladda Soomaaliya soo galay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in dowladdu diyaarad u dirto Xudur, si loo keeno magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Wadaadka uu kaligii isa soo dhiibay,islamarkaana uu ciidamadiisa kaga soo tagay deegaanka Abaloo wali ay dhufeys kaga jiraan,sida warar aan ku heleyno.

Mukhtaar Roobow ayaa gooni u goosad ka ahaa Al-Shabaab, tan iyo sanadkii 2013, markii uu soo baxay khilaafka ka dhex bilowday Saraakiil uu ka mid ahaa iyo Amiirka Al-Shabaab, waxaana khilaafkaas uu sababay in xubno ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday Axmed Godane la dilo, halka qaar kale uu isaga ku jiray ay ka baxsadeen.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, wuxuu kula kulmay Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya isku soo dhiibay.

C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa kulan albaabada u xirnaa inay la qaateen Abuu Mansuur.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Degmada Xudur, ayaa la sheegayaa in looga hadlaayay sidii Abuu Mansuur looga dhaadhicin lahaa in loo soo qaado Magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Federalka Somaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa sheegay in shirka uu socdo, ayna jiraan arrimo kale oo labada dhinac ay ka wada hadlayaan.

C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Difaaca Somaliya ayaa doonaya in Abuu Mansuur uu ka soo kaxeeyo Magaaalda Xudur, uuna keeno Magaalada Muqdisho, maadaama sidaasi amar ay ku bixiyeen Madaxda Dowladda sida ilo wareedyo ay xaqiijiyeen.

Garoonka Diyaaradaha Degmada Xudur ayaa waxaa fadhisa diyaaradii lagu qaadi lahaa Abuu Mansuur, kolka uu ogolaado in loo soo qaado Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada