Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ku Baaqay in Kun Dhalinyaro Dawladda ay Shaqo Siindoonto (VIDEO)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ku Baaqay in Kun Dhalinyaro Dawladda ay Shaqo Siindoonto (VIDEO)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed inuu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay inuu farayo Duqa Muqdisho inuu arintaasi dhaqangeliyo, islamarkaana warqad uu keeno xafiiska Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, warqadaasi oo ay ku cadahay hanaanka dhalinyarada shaqada loo siinaayo.



Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in tani ay tahay bilow fiican oo dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho lagu dhiiragelinayo ugana qaybqaadan karaan dib u dhiska dalkooda.

Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayuu wuxuu tilmaamay Ra’iisal Wasaarahu in laga sameyn doono arintaan oo kale, aysana ku ekaan doonin magaaladsa Muqdisho oo kaliya.
Talaabada uu qaaday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ah mid dhiiragelinaysa dhalinyarada Soomaaliyed ee shaqo la’aanta ku haysata Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalku uu ka kooban yahay, kuwaasi oo qaarkood door biday Shabaab inay ku biiraan, halka qaar kalena dalka ay ka tahriibeen oo baddaha ay ku dhamaadeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada