MUUQAAL: C.wali Gaas oo Khudbad Uga hadlay Xaalada Puntland, wixii ay soo Martay iyo Arimo Badan

MUUQAAL: C.wali Gaas oo Khudbad Uga hadlay Xaalada Puntland, wixii ay soo Martay iyo Arimo Badan

daajis.com:-  Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa Khudbad uu Xalay ka jeediyey Munaasibad loogu Dabaaldegayay Sanadkii guurada 19aad ee Puntland wuxuu uga hadlay arimo kala duwan.


“Waxaan rabnaa marka runtii inaan isweydiino, dabcan Puntland inay asaasanto keli, inay asaasanto oo abuuranto ujeedadu maysan aheyn, asaasayaashii Puntland dabcan ujeedo ayeey lahaayeen, marar badan marka waxaa weeye inaanu dib u milicsano aan dib u eegno, maxay ahayd ujeedada loo asaasay? hadafkii laga lahaa malagu gaaray weeye runtii?

Dabcan waxaan wada qireynaa dhamaanteen in hadafkii lalaha lagu gaaray oo ahaa inaan maamul sameysano, inaanu kala danbeyn sameysano, in aanu anagu marka hore noqono nidaam jira dabadeedna aanu u guntano una sacyino sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa, Sidii Soomaaliya Dowladdnimadeedii iyo Qaranimadeedii ay dib u hanan lahayd,sidii wadajir iyo midnimo Soomaaliyeed lagu gaari lahaa.

Waxaan rabnaa marka marwalba dabcan khaladaad baa dhacaya, Puntland 19ka sano ay jirtay waxyaabo khaldamay waa ay jiraan waana wada ogsoonahay dhamaanteen, waxaa la rabaa marka wixii khalad ah oo dhacay oo mistake-ka ahaa in aanu saxno, si wanaagsan u saxno, waxa noo hagaagsan aan sii anba qaadno oo taabo gelino , waxa naga dhiman oo aan ognahay inay naga dhimanyihiin wax badan baa dalkan u dhiman iyana inaanu sidii aan ku gaari lahayn hadafkaasi aanu ku dadaalno anaga oo ku gaareyna midnimo iyo wadajir ayaa loo baahanyahay.

Hada Dowladdan jirta saddexda sano iyo xoogaaga dabcan dhibaatooyin badan (Challenges) badan ayaa jiro oo aanu la kulanay, hadaanu amniga kasoo qaadno waa la socotaan dalkaan difaac buu u baahanyahay, saddexda sano iyo barkaa aan joognay waxaa nasoo maray dagaalo tiro badan dhamaantiin waa ogtihiin.

Labo jeer ayaa gobolka Mudug dagaal ka dhacay, Shabaab ayaa isagoo boqolaal ah kasoo degay Suuj iyo Garmaal iyo Garacad, Daacish baa isku dayday inay qabsato dalkeena qaar ka mid ah een Shabaab iyo sharwadayaal ayaa buuralayda Galgala meelo ka mid ah ku dhuumalaysanaya oo loo baahanyahay inaanu ka saarno, deriskeena waqooyi laftarkiisu mararka qaarkood dhibtiisuu leeyahay oo waa la socotaanoo Challenges-ka mar walbo aan kala kulano iyana waa ogtihiin.

Waxaan idiin sheegaya marka dalka in Puntland diyaar u tahay inay difaacdo, iyadoo intaasi oo Challenges ah jirto, dhaqaale loogu talagalay oo lagu bixinayaana uusan jirin iyo cid nagu taageeraysa inaanu amnigayaga sugno, inaanu Shabaab la dagaalano.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada