MUUQAAL: Diyaaradaha Qatar oo la kulmi Kara in la Soo rido hadii ay ku xadgudbaan Hawada Sacuudiga

MUUQAAL: Diyaaradaha Qatar oo la kulmi Kara in la Soo rido hadii ay ku xadgudbaan Hawada Sacuudiga

daajis.com:-Telefishinka laga leeyahay Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa soo bandhigay muuqaal kooban oo looga hadlayo cawaaqibka ka dhalan kara, diyaaradaha rakaabka ee Qatar laga leeyahay, hadii ay soo galaan ama ku soo xadgudbaan Hawada Sacuudiga.

Telefishinka ayaa baahiyay gantaal lagu ridayo Diyaarada Qatar, oo ku soo xadgudubtay hawada Sacuudiga, taasoo lagu sheegayo in sharciga caalamiga u ogolaanayo hadii diyaarad ku soo xadgudubto hawadeeda in la bur buriyo.

“Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, hadii dal uu hawadiisa ka mamnuuco inay diyaarado soo galaan, waxay xaq u leedahay inay wax ka qabato, ulana macaamisho wado kasta oo ay ugu soo xadgudubto hawadeeda”ayaa lagu yiri Muuqaalka kooban ee laga sii daayay Telefishinka Al Carabiya.


Sidoo kale dhowr wado kale ayaa la sheegay inay u furan tahay, iyadoo hadii ay dhacdo diyaarad hawada ku soo xadgudubta in loo diyaarad dagaal laga dul dejiyo, si loogu qasbo in deg deg loogu dejiyo garoon kasta oo u dhow, isla markaan shaqaalaha iyo duuliyeyaasha diyaaradana lagu soo eego dacwado dhowr ah

Sharciga caalamiga ah ayaa sidoo kale u ogolaanaya dawladaha in duulimaad kasta oo hawadeeda ku soo xadgudbta in la soo ridi karo, taasoo u dhiganta bartilmaameed sharci ah gaar ahaan goobaha Milateriga.

Muuqaalkan ayaa fariin u ah dowladda Qatar, waxaana uu sare u sii qaadayaa xiisada siyaasadeed uu u dhaxeeya wadamada Khaliijka.

Horaantii bishii June ayay aheyd, markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ay xayiraad ganacsi, iyo mid dhaqaale ku soo rogeen dalka yar ee Qadar, iyagoo ka xirtay hawada, badda iyo xuduuda, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo dowladda Qadar ay beenisay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada