Daawo: Axmed Madoobe oo Khudbad Dad badan soo Jiidatay u Jeediyey Baarlamaanka iyo Faroole oo joogay

Daawo: Axmed Madoobe oo Khudbad Dad badan soo Jiidatay u Jeediyey Baarlamaanka iyo Faroole oo joogay

daajis.com:- Madaxweynaha Jubaland ayaa Baarlamaanka usoo xidhay kalfadhigii 3-aad, waxaa sidoo kale munaasbadda xiritaanka goobjoog ka ahaa Xildhibaan C/raxmaan  Faroole oo katirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Senator C/raxmaan Faroole oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay sida loogu sharfay in uu kasoo qeybgalo munaasabadda xiritaanka kalfadhiga baarlamanka Jubaland, isagoo mudaneyaasha kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan shacabka ay matalaan.

Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadlay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay dowladnimada iyo sida ay muhiimka u tahay in mudaneyaasha baarlamanku ka shaqeeyaan adkeynta dowladnimada iyo weliba in ay had iyo jeer culeyska saaraan sidii ay cod ugu noqon lahaayeen shacabka ay matalaan.


Wuxuu soo hadal qaaday Mooshinka laga keenayo madaxda dalka, isagoo xusay in dalka uu haatan ku jiro dib usoo kabasho, islamarkaana aan la gaarin waqti qofka lagu dhaliili karo wax qabad la’aan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada