MUUQAAL: Jawaabtii Donald Trump uu ka bixiyey tallaabadii Madaxwaynaha Ruushka oo ka yaabisay Mareykanka

MUUQAAL: Jawaabtii Donald Trump uu ka bixiyey tallaabadii Madaxwaynaha Ruushka oo ka yaabisay Mareykanka

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo go’aankii Ruushka dalkooda uga soo saareen in ka badan 750 diblumaasiyiintii ka shaqeyn jirtay Safaarada Maraykanka ku leeyahay Moscow.

Donald Trump, waxa uu sheegay inuu tixgalinaayo talaabada Vladimir Putin uu dalkiisa uga soo saaray diblumaasiyiinta, kadib go’aanka uu baarlamaanka Mareykanka ku kordhiyay cunaqabateynta saaran Ruushka.


Trump waxa uu sheegay in Ruushka lagu cadaadinaayo qirashada in doorashadii uu kusoo baxay garab dhanka codadka ah siiyay, taa oo ugu wacneyd guushiisa.

Donald Trump oo hada fasax maalmo ah ku jooga deegaanka Bedminster ee gobalka New Jersey, ayaa sheegay inuu xushmad gaara u hayo Putin iyo dowladiisa.

Trump waxa uu intaa raaciyay in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad u arag go’aanka Puntin balse uu mar waliba yahay mid soo dhaweynaayo go’aankiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada