MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida

daajis.com:-Waxaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kulankii ugu horeeyay maanta ku yeeshay Xubnaha Guddiga Taakuleynta iyo Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka Sida.


Shirka Guddiga ayaa waxaa shir guddoominaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu lahaa aasaasida Guddiga oo loo arko inuu yahay mid muhiim ah.

Shirka ayaa waxaa looga wadahadlay qorshayaasha guud ee horyaala Guddiga oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia ayaa isna ku taliyay in la xasuusto in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay.


Farmaajo ayaa yiri ”Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in aynu garab taagannahay, sidoo kalena aan shacabkeenna ku wacyi gelinno in dhibaatada gaarta qofka ciidanka ah ay u gaartay difaaca dalkiisa”.





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada