MUUQAAL& SAWIRRO: Ninkii ku caan baxay CAMBUULO oo qabsaday baraha bulshada ee Doorashada Kenya

MUUQAAL& SAWIRRO: Ninkii ku caan baxay CAMBUULO oo qabsaday baraha bulshada ee Doorashada Kenya

daajis.com:- Nin si aanan ku talogal ahayn xiddig uga noqdey baraha bulshada kadib markii uu sawirkiisa kasoo muuqdey warbaahinta xili uu ku jirey safka codeynta isaga oo gacanta ku heysta bac ay ugu jirto digir iyo galley bisil oo uu cunayay ayaa ugu dambeyn la hadlay warbaahinta.

Sawirkiisa ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, iyada lagu garabdhajiyey sawirada dadka caanka ah sida madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo dad heesaa ah iyo waliba ciyaartooy, iyada oo loo ekeysiinayo in uu dadkaasi la kulmay. Balse ujeedadu tahay maad iyo qosol.

Ninkan oo magaciisa rasmiga yahay Martin Kamotho ayaa loogu magac daray Githeri Man ama Ninkii Cambuulada , wuxuuna noqdey wajiga maadeyska reer Kenya xili lagu jirey marxalado adag oo siyaasado cakiran iyo doorashooyin ay dalka ka socdeen.

Ninkani ayaa waxaa lasoo fariisiiyey barnaamij tabin toos ah oo ka baxayay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen TV ee Kenya, kaasi oo xitaa mar sii horeysey u direy wariyeyaal xaafadii uu ku noolaa si ay usoo waraystaan.

Mar la weeydiiyey sababta uu cambuulada u cunayay ayuu yiri “Dhankaas hoose ayaan aaday, waxaanan heley cambuulo, waan iibsaday, kadibna safka ayaan la galay, halkaas waxaan u joogay in aan codeeyo, waxayna ahayd in aan wax cuno”.

Waa nin 41 jir ah oo u shaqeeya dowladda hoose, wuxuuna ka shaqeeyaa dhul xaaqista.

Kenya ayaa waxa ay dadka aad xiligan ugu baahi qabaan wax ka qososhiiya, islamarkaasina hilmaamsiiya xaaladaga murugsan ee lagu jiro, xitaa haddii ay tahay xili yar.

Caadi ahaan dadka Kenya ayaa caan ku ah in ay sawirro maad ah ka sameeyaan wax kasta oo ay u arkaan in uu qosol ku jiro, kadibna ku hoos qora oraahyo duulxul ah ama kaftan ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada