MUUQAAL: Wasiiradii DF-Somalia oo Muqdisho kusoo noqday iyo waxay kala Kulmeen Safarkii Hir-shabeelle

MUUQAAL: Wasiiradii DF-Somalia oo Muqdisho kusoo noqday iyo waxay kala Kulmeen Safarkii Hir-shabeelle

daajis.com:- Wasiirro ka tirsan xukumadda Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Jowhar kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle, Waxayna ka dalbadeen inay joojiyaan talaabooyinka ay ku cuuryaaminayaan maamulka, waxa ayna sidoo kale u ballanqaaden inay dhici doonto doorasho ka duwan kuwii hore.


Wasiirada ayaa Xildhibaanada xasuusiyay saameynta ay leedahay maamul dhisan oo la kala diraa, sidaa awgeed waxa ay ku baaqeen inaan mardanbe aysan dhicin talaabo ceynkaa ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo kulankaasi ka hadlayay ayaa wafdiga u sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Xildhibaanada, taasina uu ku cadayn karo, sida Xildhibaanada ay u soo xaadireen kulankaasi.

Dhanka kale wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Juxa, ayaa Magaalada Jowhar kula kulmay Hogaamiyihii HirShabelle Cosoble, iyadoo aan faah faahin laga hayn waxyaabihii ay ka wada hadleen, Waxayna dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Hogaamiyihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala laabtay, ayaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre si xoogan ugu eedeeyay in uu dhaqaale ku bixiyay burburinta Maamulka Hirshabelle.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada