Sacuudiga iyo iiraan oo is dhaafsanaya Safaro Lagu Xalin doono Khilaafkooda

Sacuudiga iyo iiraan oo is dhaafsanaya Safaro Lagu Xalin doono Khilaafkooda

daajis.com:-  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Javed Zarif ayaa Arbacadii shalay sheegay in wafuud ka kala socda Iiraan iyo Sacuudiga ay is weydaarsan doonaan safaro diblomaasiyadeed oo dhowaan labada dal ku tagi doonaan.

Javed Zarif oo la hadlayay wakaalada wararka ee Iiraan ayaa sheegay in booqashada ay dhici doonto marka uu dhamaado Xajka, todobaadka ugu horeeya ee bisha September.

“Fiisooyinkii labada dhinac waa la soo saaray, labada dhinac safarkooda sida ugu dhaqsiyaha badan ayay bilaabayaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan.

“Waxaa sugeynaa in la dhameeyo tallaabooyinka ugu dambeeya, si diblomaasiyiinta labada dal ay u kormeeraan Safaaradahooda iyo qunsliyadooda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirada Arrimaha dibadda Iiraan iyo Sacuudiga ayaa 1-dii bishan ku kulmay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay magaalada Istanbul.

Booqashada ayaa noqon doonta calaamadii u horeysay ee xiriir oo labada dal dhex marta, tan iyo markii xiriirkooda uu xumaaday sanadkii hore.
Xiriirka labada dal ayaa gaaray heerkii ugu xumaa ee sanado, kaddib markii ay labada dhinac isku eedeeyeen xiisadaha iyo amni darada ka taagan gobolka, sida Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, iyagoo kala taageeraya dhinacyada isku haya dalalkaas.

Sacuudiga iyo dalal badan oo Islaam oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sanadkii hore xiriirka u jaray Iiraan, iyagoo diblomaasiyiintooda ka eryay dalalkooda, waxaa ay ku eedeeyeen in Iiraan ay fara gelin ku heyso Sacuudiga iyo dadka Suniyiinta ah.

Sidoo kale Sacuudiga iyo dhowr dal oo carbeed ayaa bishii June xiriirka u jaray dalka Qatar, iyagoo waxyaabaha ay ku eedeynaya ka mid aheyd inay taageerto Iiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada