Soomaaligii fuliyey weerarka guriga madaxweyne ku xigeenka Kenya oo la aqoonsaday

Soomaaligii fuliyey weerarka guriga madaxweyne ku xigeenka Kenya oo la aqoonsaday

daajis.com:-Laamaha amaanka ee dalka kenya ayaa soo bandhigay magaca ninkii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday guriga madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Taliyaha ciidamada dambi baarista Kenya Ndegwa Muhoro, ayaa ku sheegay qofkii weeraray guriga madaxweyne ku xigeenka Kenya Mohammed Ibrahim Muhammad oo degenaa deegaanka Dandu ee Bariga Mandhera.

“Ninka weerarka geystey waxa uu ahaa ganacsade degenaa magaalada Eldoret” ayuu yiri Mr. Muhoro oo ku sugan magaalada Eldoret.

Meydka ninka weerarka ka dambeeyay oo weli yaal isbitaalka Moi Teaching ayay boolisku sheegeen in ay baarayaan in hore uu dambiyo u galay iyo in kale.
Weerarkii lagu qaaday guriga madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa la sheegay inay fuliyeen laba ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxayna tani muujinaysaa daciifnimada dhanka sirdoonka ee ciidamada Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada