Dowladda Somalia oo si rasmi ah u sheegtay in la dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobalka Banaadir

Dowladda Somalia oo si rasmi ah u sheegtay in la dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobalka Banaadir

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in howl gal qorsheysan lagu dilay Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaanay Cali Jabal.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyn ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab meel ku dhow deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in la dilay Wakiilkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

“Dowladda Federaalka ayaa fasaxday howl gal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida iyo saaxibada caalamiga ay ku qaadeen Horjooge ka tirsan Al-Shabaab, waxaa la rumeysan yahay in lagu dilay Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Illaa iyo hada wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab, Sarkaalka la rumeysan yahay in weerarka lagu dilay ayaa horay uga hadlay weeraro qaraxyo oo ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad badan ku dhinteen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada