MUUQAAL: Soomaliya iyo Hindiya oo Heshisi gaadhay iyo Maxaabiista dalka Hindiya Ku xidhan oo Lasoo daynayo

MUUQAAL: Soomaliya iyo Hindiya oo Heshisi gaadhay iyo Maxaabiista dalka Hindiya Ku xidhan oo Lasoo daynayo

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi.


Arrimaha kale marka laga soo tago heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan.

Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India.

Laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berry ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaan u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada