Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Kenya, waa sidee xaaladu maalin ka hor

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Kenya, waa sidee xaaladu maalin ka hor

daajis.com:- Saacado kooban ayaa naga xigta doorasho siweyn isha looga wada hayo oo la filayo in maalinta berri ah oo ku beegan Talaado 08 bishan Augusto ka dhacdo guud ahaanba dalka Kenya, iyadoo lagu loolami doono kursiga madaxtinimada dalka.

Shacabka reer Kenya ayaa neefta isku dhajinaya iyadoo qof walba uu ka fikirayo waxa dhici kara doorashada ka hor iyo kaddib intaba, waxaana gabi ahaanba la soo afjaray olalihii doorashada ee siyaasiyiintu dadka ku xodxodanayeen.

Maasaajida dalka Kenya iyo guud ahaanba xarumaha kala gadisa ee bulshadu ku kulanto ayaa laga bilaabay wacyi-galin iyo fariimo dadka looga digayo in ay ka fogaadaan qalalaase ka dhashay natiijada doorashada dhamaanna fariimahan marka la eego waa kuwo ka hadlaya nabada iyo in xasiloonida wadanka la ilaaliyo.


Baqdinta ugu weyn ayaa ka jirta kaddib daraasad la sameeyay lagu ogaaday in labada musharax Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga yihiin kuwo aad isugu dhaw dhaw, waana tan keentay in dadku wadnaha farta ku hayaan madaama wali maskaxda shacabka reer Kenya ay ka sii dhax guuxayaan rabashadii Kumannaanka ruux galaaftay ee dalkaa ka dhacay 10 sano ka hor.

Raila Odinga ayeey doorashadan uga dhigan tahay iskudeygiisii ugu danbeeyay waana doorashadiisii Afraad ee madaxtinimada dalkaas, inkastoo uu dalka mar ra’iisal wasaare ka soo noqday.

Uhuru Kenyatta ayaa isaga u muuqda shaqsi isku kalsoon oo heysta aqlabiyad uu ku soo bixi karo, waloow haddana xisbigiisa Jubilee ay dareen ka qabi karaan doorashada madaama dhinaca kale ay isku baheysteen siyaasiyiin waaweyn oo mucaarad ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada