Xog: Ma dhabbaa in xafiiska wasiirka ganacsiga DF uu ku qalabeysan yahay $87,000?

Xog: Ma dhabbaa in xafiiska wasiirka ganacsiga DF uu ku qalabeysan yahay $87,000?

daajis.com:- Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gudaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Soomaaliya ka jiray Fadeexad xoogan oo Wasiiradda Khadra Axmed Ducaale heysata.

Wasiiradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ayaa kamid ah wasirrada ugu daqli soo galidda badan Soomaalida, sidoo kale waxa ay leedahay Xafiis aad loola yaabay quruxdiisa.



Dumar iyo dad iska dhicis; Khadra waxaa la sheegay in xafiiskeeda keliya lagu qarash gareeyay lacag ka badan $87,000 (Sideetan iyo Toddobo kun oo Dollar-ka Mareykanka ah).

Qalabka lagu qurxiyay Xafiiska Wasiiradda oo Dibadda dalka laga keenay Qandaraaskana ay siisay nin ay isku heyb yihiin yihiin ayaa yaab iyo fajac ku noqday Shaqaalaha Wasaaradda in Lacag intaasi la eg oo magaca Wasaaradda lagu soo saaray Xafiiska Wasiirada lagu dayactiro.

Injineerrada sameeyay waxa ay ahaayeen kuwa meel dheer laga dalbay, maadaama qaabka ay u dooneysay uu ahaa mid ka duwan qaababka ay u qalabeysan yihiin xafiisyada madaxda kale.
Dhawaannahan waxaa socdo khilaaf iyo fadeexad xooggan oo hareysay wasaarradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed, taas oo uu ugu dambeyn soo fara geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre.

Haddaba Daawo Sawirka xafiiska wasirradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada