Daawo Video: Xildhibaan Khaatumo oo Hargeisa ka sheegay Hadalo la yaab leh oo iska Hor imaanaya iyo waxa dhacay

Daawo Video: Xildhibaan Khaatumo oo Hargeisa ka sheegay Hadalo la yaab leh oo iska Hor imaanaya iyo waxa dhacay

daajis.com:- Maxamuud Axmed Yaasin kana mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Khaatumo oo hargeisa kula hadlay Warbaahinta ayaa ku Faanay inay diyaar yihiin Wafdiga Wadahadalka Somaliland Kula jira, Inay Ku Biiraan hadii la Helayo Somaliland Cusub Siduu hadalka u dhigay.


Wuxuu soo jeediyey la dar-dargeliyo Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland, si loo Ilaaliyo Midnimada Somaliland, “Soomaaliland la wada leeyahay hadii la waayo, Khaatumo dib ayay u tashan doontaa “ Ayuu yidhi.

Wuxuu eedayn kala duldhacay Madaxwayne ku xigeenkii Hore ee maamulka Khaatumo Cabdale Maxamuud Haybe (Cagolule), Wuxuuna  sheegay inaysan Jirin xil uu hada ka hayo khaatumo uuna yahay Qof shacab ah.

Maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay Dhibaatooyinka Amni daro ee ka dhaca magaalada Laascaanood Iyo Gobolka Sool, xili ay deegaankaasi ka joogaan ciidamo kala duwan oo badan.

Xubnaha  kasoo jeeda deegaanada khaatumo ee ka tirsan maamulka Somaliland ayuu sheegay inay u arkaan Shaqaalle uu siilaanyo magacaabay, Wuxuuna Xusay inay iyagu Khaatumo ahaan u doodayaan Beelaha ku dulman Somaliland siduu hadalka u dhigay.

Hadalka Xildhibaan ayaa u muuqda mid Hadba dhinac ka imaanaya, Kaasi oo isagu Intuu Warsaxaafadeedka waday Hadba dhinac u Leexiyey, Waxaana Bulshada deegaanada SSC Shaki badan ay ka qabtaa Qorshaha  Wadalka Somaliland iyo Khaatumo ee isugu Biya shubtay Soomaliland Cusub.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada