Ciidamada Ciraaq oo qabtay 1,400 Ajaanib Xaasaska iyo Carruurta Daacish ah!

Ciidamada Ciraaq oo qabtay 1,400 Ajaanib Xaasaska iyo Carruurta Daacish ah!

daajis.com:- Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay 1,400 oo Qof oo u badan Haween Ajannabi ah iyo Carruur ay wataan,kuwaas oo loo maleynayo in ay yihiin xaasasska ay ka Hoggaaamiyayaasha Dacaish ee dhawaan laga saaray Magaalooyinka Muusil iyo Talcafar ee Dalka Ciraaq.

Saraakiisha Ciidamada Ciraaq ayaa sheegay in Haweenkan intooda badan ay u dhasheen Turkiga sidoo kale waxaa ku jira Haween ka soo jeeda Waddankii la isku oran jiray Soviet Union,oo hadda u kala baxay Tajikistan, Azerbaijan iyo Russia,waxaa kale oo ku jira kuwo u dhashay Waddamada Germany iyo France inkasta oo ay tiro ahaan yaryihiin.

Haweenka Ajaanibta ah iyo Carruurta ay wataan ayaa lagu hayaa Koofurta Magaalada Muusil oo ay tagayeen ilaa 30kii August ee la soo dhaafay,markaas oo Ciidamada Dowladda ay galeen Magaalada Musil kadidb 8 bilood oo uu dagaal ka socday.

Korneel Ahmed al-Taie ,Taliyaha howlgalkii lagu qabsaday Muusil ayaa yiri “waxaan gacanta ku heynaa xaasaska iyo Carruurta dambiilayaasha,kuwan markii aan wareysannay,waxaa ay inoo sheegeen in la qalday,iyaga waa Haween iyo Carruur,waa masaakiin”.
Saraakiisha Ciidanka Ciraaq ayaa sheegaya in dadkan ay heystaan dhalashada 13 Dal,kuwo kalena ma heystaan Dukumiintiyada saxda ah ee Waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan,waxaa ay intaas raaciyeen in Dowladda Ciraaq aysan awoodin in ay Xabsiyada ku siiheyso muddo dheer dadkan,waxaana ay ku dareen in ay la kaashan doonaan Safaaaradaha waddamada ay ka soo jeedaan ee ku yaalla Baqdaad si dib loogu celiyo waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada